Wararka suuqa crypto ee maanta | Bitcoin ayaa kasoo kabatay qiimo jaban oo ku dhow $60,000 ilaa hada wuxuu taagan yahay qiyaastii $69,000 , iyadoo si wax ku ool ah usoo celisay faa,idooyinkii ay sameysay kadib doorashadii Donald trump ee November 2024 tadabaadkan.
Hoos udhaca lacagta digital ka ah waxaa lasoday suuqa iibsi balaaran oo keenay in tusmada coindesk 20 (cd20) ay lumiso in kabadan 17% qiimaheeda todobaad gudaheed.
In kasta oo Bitcoin uu hoos udhacay qiyaastii 16.5% mudadii 7 da maalmood ahayd ee lasoo dhaafay,
Lacagaha kale digital ka ah ayaa kasoo daray
- ETHER waxay lumisay 22.4% qiimaheeda
- BNB waxay hoos u dhacday 23.4%
- Solana waxay hoos udhacay 25.2%
Saamiyada shirkadaha ku xiran crypto ayaa diiwan geliyay hoos udhac weyn in kasta oo jimcihii uu Soo kabatay,
Iyadoo qiimaha Bitcoin SI kooban usoo laabtay $70,000.
Talaabadan ayaa ka dambeysay hoos u dhac xoogan kaas oo mintermute uu ku tilmaamay hoos udhicii ugu xumaa ee hal maalin ah ee Bitcoin tan iyo markii FTX uu burburay.
Iibka maxaa sababay?
Iibka waxaa sababay hoos udhac suuqa oo dhan ku yimid iyo “wax u muuqday iibain qiimo kasta oo shaqo ah ” ayuu yiri Jasper de maere istaraatiijiyada iyo ganacsadaha OTC ee wintermute oo ku sugan bayaan email ah.
De maere muxuu sheegay?
De maere wuxuu sheegay in miiska hay,adaha ay Soo sheegeen lacag yar lkn la maareyn karo , taas oo aan si buuxda u sharxin talaabadan , taas oo sii hirineysa dooda ku saabsan meesha uu walwalka kagajiro nidaamka.
De maere muxuu raaciyay in qalcadu ay lasocoto hoos udhac balaaran oo hanti ah.
QQQ-ga raad raaca nasdaq 100 wuxuu hoos udhacay qiyaastii 500 dhibcood oo sal dhig u ah 3 kala fadhi, Halka lacagta iyo dahbka ay hoos ugu dhaceen qiyaastii 38% iyo 12% ka hooseeya heerka ugu sareeya wareegooda, sidey u kala horeeyaan.
Xulashooyinka sirta ah
Isbedelka la tilmaamay ayaa ku booday 99% iyadoo qaloocu uu u janjeero meelo aan caadi ahayn, oo qaali aha “ayuu yiri de maere “
De maere muxuu calaamadeeyay?
De maere wuxuu calaamadeeyay Ether inay tahay “xudunta xanuunka” isagoo sheegay In ganacsato badan ay ku drgdegeen iney iib sadaan ilaalin kadhan ah qasaarooyin dheeraad ah iyagoo adeeg sanaya iqtiyaarada put.
Kuwaas oo bixin Kara hadii qiimuhu uu hoos udhico oo siin Kara qofka haysto xuquuqda uu ku iibiyo qiimo go,an.
Bitcoin ayuu sheegay in booska uu tilmaamayo filashooyinka sii soco shada qalalaasaha.
Dareen dheeraad ah dhanka sarifka lacagaha qalaad
Todobaadkan sarifka lacagaha qalaad oo loo yaqaan ‘crypto exchange’ Gemini ayaa sheegay iney qorsheeneyso iney joojiso howlah UK, midowga yurub iyo Australia ayna dhimaeyso qiyaastii 25% shaqaalaha iyadoo qeyn ka ah dib u habeen.
Shirkadu waxay Gali doontaa qaabka kanoqoshada oo kaliya ee isticmaalayaasha gobolada ay dhibaatadu sameysay waxaan la shuraakoobi doontaa madal dilaaliinta E TORO si isticmaalayaasha u wareejiyaan hantidooda.
Bitfarms oo loo Soo gaabiyo ( BITF) ayaa waxay araktay in saamiyadeeda uu kor u kacay
kadib markii ay ka tagtay aqoonsigeeda “shirkada Bitcoin” is ay diirada usaarto kaabayaasha sirdoon ee macmalka ah (AI).
Farsamo yaqaanka suuqa ugu sareeya ee BTIG Jonathan krinsky ayaa sidoo kale sheegay in Bitcoin lala xiriiriyay keydka software ka dhawaanahan.
“Waxaa jiro cadeymo aad u xiiso badan oo ah labadaas
- Saameynta Bitcoin iyo software ka
Ay dhigeen hoos u dhac xeeladeed,”
Krinsky ayaa yiri inta lagu gudi jiray wareysi uu la yeeshay CNBC
“Bitcoin wuxuu hoos ugu dhacday xalay qiyaastii$60,000 Marka waxaan u maleynayaa iney tahay heer aad u wanaagsan oo Laga ganacsan karo”
Marka Laga hadlaayo kor u kacay waxaad runtii u baahan tahay inaad dib u arakto isagoo kasareeya $73,000, taasi waxay ahaeyd heerka ugu muhiimsan ee burburka,
Taas oo xaqiijin doonta hoos udhaca ganacsi oo hubaal ah inuu ku jiro ayuu raaciyay.
Maamulka trump
Wuxuu sii waday mowqif la mid ah crypto kaas oo ka caawiyay qiimaha Bitcoin inuu gaari heerka ugu sareeya abid oo ka sareeya $125,000 sanadkii hore kahor int uusan sixitaanka bilaaban.